Mucaaradka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku adkaystay inuu maalinta berrito ah dhicidoono bannaanbaxa ay kaga soo horjeedaan waxay ugu yeereen barakacinta iyo burburinta ka socota caasimadda, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay si xoog ah uga rarayso shacabka deegaannada ay deggenaayeen.
“Bannaanbaxaas waa mudaharaad nabadeed. Waa mudaharaad looga soo horjeedo barakicinta iyo boobka dhulka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo ku andacooday in boqolaal kun oo qof laga raray guryahoodii iyo goobihii ay ku ganacsanayeen.
Waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay kasoo qayb galaan isu soo baxyada, gaar ahaan dadka laga raray deegaannada ay deggenaayeen, isagoo sheegay in “qof walba meeshii laga barakiciyay uu ku laabto si uu xuquuqdiisa u muujiyo.”
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in bannaanbaxyadu ay sii socon doonaan ilaa dadka cabanaya ay helaan xuquuqdooda.











