Xildhibaan Ka Tirsan Mucaaradka oo Taageero u Muujiyay Shacabka La Barakiciyay

6

Xildhibaan Caano Nuug oo kamid ah mudanayaasha mucaaradka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay garab taagan yihiin shacabka laga barakiciyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay burburinta guryaha dadka danyarta ah, isagoo ku eedeeyay dowladda inay xili habeen ah dumisay hoy ay deganaayeen qoysas rayid ah.

Waxa uu sheegay in mucaaradku ay sii wadi doonaan taageerada ay u muujinayaan dadka barakacayaasha ah, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka qeyb galaan dibadbaxa la qorsheeyay inuu 10-ka bishan ka dhaco magaalada Muqdisho.

Dibadbaxa ayaa lagu wadaa in lagu muujiyo cabashada la xiriirta barakacinta shacabka iyo burburinta guryaha ay deganaayeen dadka danta yar.

“Waa nasiib darro in shacabka sideeda habeenimo burus iyo cagaf lala dul taaganyahay sidii argagixiso oo kale, Banaanbaxa aan iskugu soo baxno shacabow dowladaan waqtigeeda waa dhamaday“