Shirkadda Soma Oil and Gas oo raadinaysa iskaashi Mareykan ah si loo dardargeliyo sahminta shidaalka Soomaaliya

2

Shirkad shidaal oo laga leeyahay Ingiriiska ayaa bilowday inay raadiso iskaashi Mareykan ah si ay u ballaariso sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay dukumeenti ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.

Shirkadda Soma Oil and Gas oo ka shaqeysa sahminta shidaalka badda ayaa hadda dooneysa la-hawlgalayaal cusub oo ka yimaada Mareykanka. Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in Sami Michl, oo leh 10% saamiga shirkadda, uu doonayo in la sameeyo heshiisyo iskaashi isla markaana qayb ka mid ah mashruuca loo wareejiyo shirkado kale, arrintaas oo loo yaqaan farm-out.

Warkan wuxuu kusoo beegmay xilli ay Dowladda Soomaaliya bishii April soo saartay digniin adag oo ku socota shirkadaha shidaalka reer Galbeedka, iyadoo ku amartay inay bilaabaan howlaha sahminta ama ay ka tanaasulaan heshiisyada ay hayaan. Dowladda ayaa ka muujisay niyad-jab sii kordhaya dib u dhacyada ku yimid horumarinta batroolka, inkastoo heshiisyo wadaagga wax soo saarka ay la gashay shirkadahaas.

Shirkadahaas waxaa laga filayay inay qabtaan sahanno dhulka hoostiisa ah, qodista ceelal tijaabo ah iyo inay fuliyaan ballanqaadyo maaliyadeed, balse badankood waxay ku mashquuleen raadinta la-hawlgalayaal halkii ay si toos ah uga bilaabi lahaayeen howlaha gudaha dalka.

Soomaaliya  ayaa 2024 heshiis shidaal la saxiixatay Turkiga, iyadoo saddex heshiis la siisay shirkadda Turkish Petroleum. Shirkaddan ayaa si degdeg ah u bilowday sahminta shidaalka, iyadoo 2025 dhammeysay sahanno 3D ah, halka qodista la bilaabay 2026, taasoo cadaadis ku kordhisay shirkadaha kale ee weli aan bilaabin shaqada.