Aadan Madoobe oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo, ballanqaaday doorasho xor ah iyo nabad ka dhacda Koonfur Galbeed

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.

Wafdiga uu hoggaaminayay ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Shati Gadud, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin heer gobol iyo federaal, siyaasiyiin, iyo dadweyne tiro badan oo muujinayay taageero.

Ammaanka garoonka iyo guud ahaan goobaha soo dhoweynta ayaa si weyn loo adkeeyay.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa hormuud ka ahaa masuuliyiinta soo dhoweysay wafdiga, Wuxuu sheegay in maamulka uu ka go’an yahay qabashada doorasho hufan, xor ah, isla markaana waafaqsan dastuurka, isagoo xusay in dhammaan musharraxiinta si siman loo soo dhoweynayo.

Aadan Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa ballanqaaday in haddii la doorto uu xaqiijin doono nabad iyo cadaalad.

Wuxuu yiri: “Waxaan idiin ballanqaadayaa Koonfur Galbeed xor ah oo aan qofna lagu dili doonin, isla markaana aan qofna laga duudsiin doonin xuquuqdiisa.”

Ujeeddada safarkiisa ayaa la xiriirta xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Koonfur Galbeed.

Imaanshihiisa ayaa kusoo beegmaya xilli ay si xowli ah u socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashada madaxtinimada maamulkaas.