Hirshabeelle oo ka hadashay ciidamo ay Dowladda Federaalka ka dejisay magaalada Jowhar

1

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada cusub ay Dowladda Federaalka geeysay magaalada Jowhar ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasiloonida guud ee gobolka.

Wasiirka ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo wadajir ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, isaga oo tilmaamay in labada dhinac uu ka dhexeeyo isfaham siyaasadeed oo ku aaddan xoojinta nabadgelyada iyo hirgelinta qorshayaasha dowladnimo.

“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan, Ciidamada tagay Jowhar waxay u tageen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Wasiirka amniga Hirshabelle.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay “Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya labaduba way ka mideysan yihiin qorshaha lagu adkeynayo amniga, waxayna si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida dalka.”.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay oo muujinayay cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku sii jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka dhabta ah ee dhaqdhaqaaqooda.

Sidoo kale, waxaa jiray warar xoogan oo la isla dhex maraayay oo sheegayay in ugu yaraan saddex diyaaradood oo dheeraad ah ay ciidamo ka dajiyeen magaalada Jowhar saacadihii u dambeeyay ee shalay, arrintaas oo sii xoojineysa dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda halkaasi.

Dowladda Federaalka si cad ma aysan uga hadlin ciidamadaan loo daabulay Jowhar, balse waxaa jira in Dowladda diyaarinayso doorasho isku sidkan oo ay dooneyso inay ka qabato Dowlad Goboleedyada saddexda ah ee Hirshabeelle,.Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ay ciidamo badan ay u dirtay si ammaanka goobaha doorashooyinka u sugaan.