Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay war-saxaafadeedkii ay xalay soo saareen wasiirrada arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah dunida Islaamka, kaas oo lagu cambaareeyay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelatay Israa’iil.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal leh taariikh dawladnimo oo cad, isla markaana xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, dibna u soo ceshatay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, kaddib midow aan si rasmi ah loo ansixin.
Somaliland waxay xustay in mowqifkeedu ku dhisan yahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin is-maamul (aayo-ka-tashiga) iyo dowladnimo wax ku ool ah. Waxay sidoo kale sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka uu yahay mid ka tarjumaya isbeddelka diblomaasiyadda casriga ah, isla markaana aanu wax u dhimayn madax-bannaanida dal kale.
Somaliland ayaa tilmaantay in ka badan soddon sano ay ku naaloonaysay nabad, nidaam dimuqraadi ah iyo iskaashi caalami ah oo masuuliyad ku dhisan, taas oo ay ku sheegtay inay si togan uga qayb qaadatay xasilloonida Geeska Afrika.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu baaqay in arrinta Somaliland loo wajaho si ku dhisan xaqiiqo iyo aragti sharciyeed, iyadoo la xusay in Midowga Afrika uu hore u aqoonsaday gaar ahaanshaha kiiska Somaliland.
Somaliland waxay sheegtay in aqoonsigeedu yahay xaq sharci ah oo jira, islamarkaana aanu ahayn arrin ku xidhan dano siyaasadeed oo la iska dooran karo. Waxay intaas ku dartay in dib u dhigista aqoonsigu aanay waxba ka beddelayn xaqiiqada jirta, balse ay caqabad ku noqon karto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Hadalka Somaliland ayaa jawaab u ah war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalal dhowr ah ayaa si adag loogu cambaareeyay go’aanka Israa’iil ee ku saabsan magacaabista danjiraha ay u dirayso Somaliland.
War-saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray dalalka kala ah Pakistan, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Libya, Bangladesh, Aljeeriya, Sacuudi Carabiya, Falastiin, Turkiga, Indooniisiya iyo Kuweyt.











