Shir ku qabsoomay magaalada Antalya ee dalka Türkiye, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika.
Wasiir Badr Abdelatty ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, isagoo u rajeeyay Soomaaliya nabad, xasillooni iyo horumar joogto ah. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Masar ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay diidan tahay wax kasta oo wax u dhimaya midnimada dalka.
Wasiirka ayaa si gaar ah u cambaareeyay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo la sheegay in ay saameyn karto midnimada Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in Masar ay ka soo horjeeddo tallaabooyin caalami ah oo la xiriira aqoonsi ama wakiillo diblomaasiyadeed oo loo magacaabo Somaliland.
Masar ayaa sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, amniga, milatariga iyo gargaarka bani’aadamnimo, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheek ayaa u mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah, isagoo adkeeyay in Soomaaliya ay doonayso in ay sii xoojiso iskaashiga labada dal si loo gaaro danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.











