Cabdiweli Gaas: Dowlad Goboleedyadu waxay isku beddeleen meel hal qof ama koox yar ay ku takri-falaan awoodda

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  ayaa si kulul u dhaliilay sida ay u shaqeeyaan dowlad goboleedyada dalka, isagoo ku eedeeyay inay awoodda ku kooban tahay madaxda joogta, isla markaana ka leexdeen ujeeddadii nidaamka federaalka.

Gaas, oo haatan ah ergayga Qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan, ayaa sheegay in awooddii markii hore laga qaaday caasimadda Muqdisho loona qaybiyay gobollada, haddana ay dib ugu ururtay magaalooyin gaar ah sida Kismaayo iyo Garowe  iyadoo aan si dhab ah loogu faafin degmooyinka iyo shacabka.

“Waxaa la rabay in awoodda la gaarsiiyo heer gobol iyo degmo, si dadku ay u dareemaan inay wax ka leeyihiin maamulka,” ayuu yiri Gaas, isagoo intaa ku daray in xaaladda hadda jirta ay ka dhigan tahay in hal qof ama koox yar ay maamulaan dowlad goboleedyada.

Gaas wuxuu si gaar ah u xusay in magaalooyinka sida Garoowe ay noqdeen meel awooddu ku ururto hal qof, halka dadka kale ee ku nool gobollada iyo degmooyinka aysan helin fursad siman oo ay ku yeeshaan go’aan qaadashada.

Sidoo kale, Gaas ayaa walaac ka muujiyay xaddidaadda dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta, isagoo tusaale u soo qaatay in siyaasiyiin aanay si xor ah ugu safri karin deegaanadooda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

“Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu tago gobolkiisa, ka qayb qaato doorashooyinka, kana mid noqdo nidaamka siyaasadeed,” ayuu yiri, isagoo dhaliilay in arrintaasi ay caqabad ku noqotay dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in muddo xileedka hoggaamiyeyaasha qaar ee dowlad goboleedyada uu dheeraaday, taas oo uu ku sheegay mid dhaawacaysa isbeddelka iyo isla xisaabtanka.

Ugu dambeyn, Gaas ayaa sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya uusan ahayn mid loogu talagalay in dad yar ay ku takri-falaan awoodda”, balse uu ahaa mid lagu doonayay in si caddaalad ah loogu qaybiyo awoodda, loona dhowro xuquuqda shacabka.