Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Socdaalka, mid cusubna u magacaabay

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XJFS) ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xil-ka-qaadista Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyagoo sidoo kale magacaabay Agaasime cusub oo hay’addaasi yeelan doonto.

Fadhiga Golaha Wasiirrada ayaa lagu go’aamiyay in xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda loo magacaabo Xuseen Qaasim Yuusuf, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Agaasimaha cusub, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa horey u soo qabtay xilal kala duwan oo heer dowladeed ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirkii Madaxtooyada Galmudug (2015–2017), Xildhibaan Golaha Shacabka (2017–2026), iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista iyo Dhaqangelinta Dastuurka.

Magacaabistan ayaa imaneysa iyadoo xilka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow hayay tan iyo December 12, 2024, xilligaas oo uu si rasmi ah ula wareegay hoggaanka hay’adda.

Isbeddelkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo adeegyada socdaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin sababaha keenay xil-ka-qaadista Agaasimihii hore.