Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacowday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan cusub ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay 10 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray dardargelinta wada-hadallada iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulkaasi.
Magacaabistan ayaa imaaneysa xilli ay isbeddello siyaasadeed oo xooggan ka jiraan deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin kala aragti duwan.
Wararka ayaa sheegaya in guddigan uu door muhiim ah ka qaadan doono dejinta xiisadaha taagan iyo isku soo dhowaanshaha dhinacyada isku haya siyaasadda, iyadoo la filayo inay bilaabaan kulamo wada-tashi ah maalmaha soo socda.
Magacaabista guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Koofur Galbeed Soomaaliya, xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo dib-u-heshiisiin siyaasadeed.











