Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa hanjabaad cusub u diray Iran, isagoo sheegay in tallaabo la qaadi doono haddii Tehran ay ku guuldareysato inay si buuxda u fuliso heshiiska xabbad-joojinta ee la isla meel dhigay.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in dhammaan maraakiibta, diyaaradaha iyo ciidamada Mareykanka ay sii joogi doonaan agagaarka Iran ilaa “heshiis dhab ah” si buuxda loo dhaqan geliyo. Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii aan la fulin heshiiskaasi ay suuragal tahay in colaado hor leh qarxaan.
Heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa yimid kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan iyo cabsi laga qabay in dagaalku ku fido gobolka oo dhan. Wadahadallo qarsoodi ah oo dhex maray Washington iyo Tehran ayaa la sheegay in ay hormuud ka ahayd Pakistan, oo door muhiim ah ka ciyaartay isu soo dhowaanshaha labada dhinac iyo dejinta xiisadda. Dadaalladan ayaa horseeday in la isla oggolaado xabbad-joojin ku meel gaadh ah si loo yareeyo isku dhacyada militari.
Dhanka kale, dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay maalin baroor diiq qaran ah kadib markii duqeymo culus oo ay Israa’iil fulisay oo sababay khasaare baaxad leh. Ugu yaraan 254 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 1,165 kalena ay ku dhaawacmeen hal maalin gudaheed, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa sheegay in dowladda ay wado dadaallo ay ku abaabuleyso dhammaan awoodaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo joojiyo weerarrada Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa caddeeyay in Lubnaan ayna ka mid ahayn heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran. Hadalkan waxaa sidoo kale xoojiyay Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, oo sheegay in ayna jirin wax ballanqaad ah oo arrintaas ku saabsan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in shuruudaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay cad yihiin marka ay timaado xaaladda Lubnaan. Wuxuu Washington u sheegay inay kala doorato “xabbad-joojin ama dagaal sii socda,” isagoo intaas ku daray in labadaas arrimood aan la isku wadi karin.
Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Rakan Nassereddine, ayaa baaq u diray beesha caalamka, isagoo dalbaday gargaar degdeg ah maadaama nidaamka caafimaadka dalka uu wajahayo culays aad u weyn oo ka dhashay tirada badan ee dhaawacyada iyo khasaaraha rayidka.











