Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Türkiye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan caasimadda Mogadishu, si ay uga qeyb galaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markabka sahminta shidaalka ee “Çağrı Bey”.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, waxaana ku wehliya mas’uuliyiin sare oo kale. Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli la diyaarinayo xaflad weyn oo lagu soo dhoweynayo markabka, kaas oo safar 53 maalmood ah kaga soo baxay koonfurta Turkiga bartamihii bisha Febraayo.
Markabka “Çağrı Bey” ayaa la filayaa inuu bilaabo qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal badeedka Soomaaliya, kaas oo loo bixiyay “Curad”, Magacan ayaa astaan u ah inuu yahay mashruucii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka badda qoto dheer ee dalka.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, howlgalka qodista ayaa socon doona muddo ku dhow 288 maalmood, iyadoo la gaari doono qodis dhan ilaa 7,500 mitir, taas oo isugu jirta qodista biyaha iyo dhulka hoose.
Howlgalkan waxaa taageeraya maraakiibta ciidamada badda ee Turkiga, waxaana markabka saaran ku dhawaad 500 oo qof oo isugu jira injineerro, khubaro farsamo iyo shaqaale kale oo taageero bixiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay mashruucan mid taariikhi ah oo kor u qaadi kara kobaca dhaqaalaha dalka isla markaana furi kara fursado horumarineed oo cusub.
Mashruucan ayaa sidoo kale muujinaya xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.











