Ciidanka Jubaland oo Qabtay Shixnad Ciidan ah oo Si Qarsoodi ah Lagu Soo Gelinayay Dalka

1

Ciidanka Amniga ee Jubaland ayaa gacanta ku dhigay shixnad dirays ciidan ah oo si qarsoodi ah looga soo gudbinayay xadka, kadib howlgal ay ka fuliyeen degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Shixnaddan oo ka koobneyd dhar ciidan ayaa la sheegay in si dhuumaaleysi ah looga soo gelinayay gudaha Soomaaliya, hase yeeshee ciidamada Jubaland ayaa ku guuleystay inay qabtaan kahor inta aysan u gudbin meelaha loo waday.

Howlgalkan ayaa horseeday baaritaanno dheeraad ah oo ka bilowday Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, halkaas oo laamaha sirdoonka ay ka sameeyeen howlgal lagu baarayay bakhaar la sheegay inay leedahay shirkad lagu magacaabo Gaani Express. Shirkaddan ayaa lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahayd isu gudbinta alaabtan, gaar ahaan gaarsiinta gobollada Waqooyi Bari.

Sidoo kale, laamaha amniga ayaa gacanta ku dhigay laba qof oo looga shakisan yahay inay fududeynayeen socodka shixnaddan, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir u ahaayeen isku xirka safarka alaabta laga keenay Shiinaha ilaa Kenya, ka hor inta aan loo soo gudbin Soomaaliya.

Ciidamada Jubaland ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga gobolka, laguna joojinayo falalka sharci darrada ah ee khatarta ku ah nabadgelyada.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xusay in feejignaantooda sare ay suuragelisay fashilinta isku daygan, iyagoo tilmaamay in aysan sahlaneyn in shixnadaha noocan ah ay ka gudbaan xuduudaha iyada oo aan la ogaan.