MW Xasan Sheekh oo Baydhabo kula shiray saraakiisha ciidamada ammaanka

2

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedì, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan dhacay iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo simanyahay.

Madaxweynaha ayaa Shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka Khawaarijta iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.

Kulankan, waxaa ka qayb galay Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada JFS iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.