Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qayb galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay haweenka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod.
Munaasabaddan oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ahayd mid si gaar ah u iftiimisay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa si cad loogu muujiyay qorshaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Waxa uu sheegay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqon doono meesha ugu horreysa ee dalka laga bilaabo nidaamka Qof iyo Cod, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay xoojiyaan wada noolaanshaha, is-ixtiraamka iyo midnimada, si loo taageero geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in aan wax dacwad ah loo heyn masuuliyiintii hore ee maamulka, isaga oo ku booriyay shacabka inay ka gudbaan khilaafaadkii hore si loo wada dhiso mustaqbal mideysan oo xasilloon.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi rajo leh, iyadoo haweenkii ka qayb galay ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay kaalin muuqata ka qaadashada doorashooyinka iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.











