Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in la soo badbaadiyay duuliyihii labaad ee diyaaraddii dagaalka ee F-15E Strike Eagle oo hore loogu soo riday gudaha dalka Iiraan, kadib hawlgal baadigoob iyo samatabbixin ah oo ay fuliyeen ciidamo gaar ah.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in duuliyahaasi uu hadda “nabad qabo,” isagoo xusay in ciidanka Maraykanku ay si guul leh u soo afjareen hawlgalkii lagu soo samatabbixinayay.
Sida ay warbaahinta Axios tabisay, intii uu socday hawlgalkaasi baadigoobka, waxaa dhacay iska-hor-imaad toos ah oo culus oo dhexmaray ciidanka gaarka ah ee Maraykanka (US Special Forces) iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), kaddib markii ay isku heleen goobta uu ka socday hawlgalka raadinta duuliyaha.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Maraykanku ay dhulka u dageen markii ay xaqiijiyeen halka uu ku sugnaa duuliyaha la la’aa, taas oo keentay dagaal toos ah oo sababay khasaare, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.
Dhanka kale, warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu sababay khasaaro ballaadhan, iyadoo Iiraan ay sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 170 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ka dhacay xarun kiimiko oo ku taalla Mahshahr.
Sidoo kale, Iiraan ayaa ku eedaysay Maraykanka iyo Israa’iil inay badhtilmaameedsadeen in ka badan 30 jaamacadood tan iyo markii uu dagaalku billowday. Dhanka kale, dalka Kuwayt ayaa sheegay in weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ay fulisay Iiraan ay waxyeello u geysteen xarumo koronto iyo kuwo sifeynta biyaha ah, isla markaana dab ka kacay xarun shidaal, inkasta oo aan wax khasaare naf ahi la soo sheegin.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale uga digay Iiraan in haddii ayna aqbalin heshiis nabadeed 48 saacadood gudahood, ay la kulmi doonto “ciqaab adag,” hase yeeshee Tehran ayaa si adag u diiday digniintaas, kuna tilmaantay mid “daciifnimo iyo cabsi muujinaysa.”











