Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay.
Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxaa ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan qeybaha bulshada.
Socdaalkiisa ayaa la xiriira dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku saleysan rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, sida ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Cabdirashiid oo jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inuu Baydhabo u tagay in la dardargeliyo hawlaha amniga iyo maamulka, isagoo intaa ku daray in aysan jiri doonin qof ama qabiil si gaar ah loo beegsanayo.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in uu sii wadi doono shaqadii horay u jirtay, wixii maqnaana in la soo celiyo, isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xasiliyo Koonfur Galbeed.
Xalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, uu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi inuu noqdo hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii xilka iska casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay Dowladdu ku eedeysay inuu sharci darro ku joogay xafiiska, kana horyimid nidaamka doorasho oo ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Magacaabistiisa ayay Dowladdu sheegtay in ay ka dhalatay baahida loo qabo xaqiijinta sii socoshada maamulka, ilaalinta xasiloonida siyaasadeed, amniga, iyo kala dambeynta dowladeed ee Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ayaa la faray inuu qabto howlaha muhiimka ah ee maamulka, oo ay ka mid yihiin sugidda amniga, ilaalinta adeegyada dowladeed, dardargelinta wada-tashiyada, iyo hirgelinta hannaanka doorasho qof iyo cod ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay inuu yahay mid ku-meelgaar ah, islamarkaana waajibaadkiisa uu ku eg yahay ilaa laga soo dooranayo hoggaan rasmi ah oo sharciyeysan oo uu yeesho Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.











