Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, kaasi oo dhexmaray ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo ka soo horjeeda maamulkaasi.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka kadib ay degmada la wareegeen ciidamo isku magacaabay Badbaadada Koofur Galbeed, kuwaas oo ka saaray ciidamada daacadda u ah maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.
Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalladu ay sii xoogaystaan isla markaana ay dhibaato ka soo gaarto shacabka ku nool degmada.
Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo xaaladda guud ee degmada Qansax-dheere.











