In ka badan nus milyan qof ayaa ku barakacay dalka Lubnaan kadib markii ay dib u qarxeen dagaallada u dhexeeya Israa’iil iyo ururka Hezbollah, xilli colaadda gobolka ay sii xoogaysanayso kadib dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iran.
Sida ay sheegtay warbaahinta Al Jazeera, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Lubnaan Haneen Sayed ayaa sheegay in tirada dadka iska diiwaangeliyay nidaamka dowladda ee loogu talagalay dadka barakacay ay gaadhay 517,000 qof, tan iyo markii dagaalladu dib u bilaabmeen toddobaadkii hore. Dadkaas waxaa ka mid ah 117,228 qof oo hadda ku nool guryo ay dowladdu u diyaarisay.
Xaaladda ayaa sii xumaatay kadib markii Israa’iil ay ballaadhisay ololaheeda milatari, iyadoo markii ugu horreysay duqeymo ka fulisay bafhtamaha magaalada Beirut, gaar ahaan xaafadaha koonfureed ee caasimadda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sare u qaaday heerka colaadda ka socota dalka. Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 394 qof ay ku dhinteen dagaallada toddobaadkii u dambeeyay, kuwaas oo ay ku jiraan 83 carruur ah, 42 haween ah iyo 9 shaqaale gurmad degdeg ah.
Subaxnimadii Axadda, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Israa’iil ayaa weerartay qol hoteel ku yaalla xaafadda Raouche, oo ah goob xeebeed caan ah oo dalxiisayaashu aad u booqdaan, isla markaana dhowaan hoy u noqotay kumannaan qof oo ka barakacay dagaallada. Weerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof, halka toban kale ay ku dhaawacmeen.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay shan taliye oo sare oo ka tirsan Xoogaga Quds, oo ah qayb ka mid ah ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee qaabilsan hawlgallada dibadda. Colaadda Lubnaan ayaa dib u qaraxday Isniintii la soo dhaafay kadib markii Hezbollah ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil, iyagoo sheegay inay uga aargudanayaan dilkii hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil bishii hore.











