Mojtaba Khamenei oo loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran

0

Mojtaba Khamenei ayaa si rasmi ah loogu magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee cusub ee dalka Iran, isagoo beddelaya aabbihii Ayatollah Ali Khamenei, xilli dalkaasi wajahayo weerarro culus oo ay ku hayaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Sida ay baahisay Al Jazeera, hoggaamiyeyaasha milatariga iyo siyaasadda Iran ayaa ku dhawaaqay inay daacadnimo u muujiyeen Mojtaba Khamenei kadib magacaabistiisa, taas oo ku soo beegantay xilli dagaal culus uu ka socdo gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka wadaan gudaha Iran, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Tehran iyo Qom. Weeraradii ugu dambeeyay ayaa lala beegsaday xarumo saliida lagu kaydiyo oo ku yaalla caasimadda Tehran, kuwaas oo sababay qiiq sun ah oo ku fiday qaybo ka mid ah magaalada.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askarigii siddeedaad ee Maraykan ah oo kaga dhinta dagaalka, maalin kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ka qayb galay munaasabad lagu xusay askarta ku naf waayay colaadda. Sidoo kale Iran ayaa duqaymo ku haysa magaalooyinka Israa’iil iyada oo ilaa iyo hadda 11 shacab ahi ku dhinteen gudaha Israa’iil.

Xiisadda ayaa sidoo kale ku fiday dalal kale ee gobolka. Laba qof ayaa lagu dilay magaalada Al-Kharj ee Sacuudi Carabiya kadib weerarro la sheegay inay Iran ku qaaday. Sidoo kale dalka Lubnaan waxaa ka barakacay in ka badan nus milyan qof, iyadoo ciidamada Israa’iil iyo ururka Hezbollah ay weli isweydaarsanayaan duqeymo culus.

Beesha caalamka ayaa muujisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan suurtagalnimada in dagaalkani uu sii ballaadho, iyada oo indhaha lagu hayo hoggaamita hoggaamiyaha cusub ee la doortay, iyo in uu jidkii aabihii qaadi doono iyo in uu ka dabacsanaan doono.