Xildhibaanadii Garoowe Lagu Celiyay Oo Saaka Loo Ogolaaday Inay Ku Laabtaan Deegaanadoodii

0

Xildhibaanadii dhawaan lagu celiyay hawada iyagoo ku sii jeeday Garoowe ayaa saaka loo ogolaaday in ay ku laabtaan deegaanadoodii, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah xildhibaanadaasi oo la hadlay Shabelle TV isagoo ku sugan Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadaan, oo iskugu jira labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana matala maamulka Puntland, ayaa maalmahan deganaa Airport Hotel, kadib markii ay sheegeen in loo diiday in ay magaalada ka baxaan ilaa laga ansixinayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay si aqlabiyad leh loogu meelmariyay xildhibaanada labada aqal.

Ogolaanshahan ayaa ka dhigan tallaabo lagu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, isla markaana lagu xaqiijinayo xuquuqda xildhibaannada ee ay ku matalaan deegaanadooda.