Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, James Swan.
Ergayga ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha ka siiyey warbixin ku saabsan howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taageerada ay siiyaan dowladda, iyo guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka wadaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa uga mahadceliyey ergayga iyo xafiiskiisa taageerada ay la garab taagan yihiin hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha qaranka. Waxa uu sidoo kale warbixin ka bixiyey howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka, isagoo xusay in geeddi-socodkaasi uu meel wanaagsan marayo isla markaana ay ku howlan yihiin Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo lana joogteeyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.











