Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul ugu eedeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ah inay carqaladeeyeen wadahadalladii la xiriiray hanaanka doorashooyinka dalka, kaddib markii ay mucaaradku ku dhawaaqeen in shirarkii u dambeeyay fashilmeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan gelisay wada-hadallada, balse dhinaca mucaaradka ay muujiyeen niyad jab iyo carqalad joogto ah.

Wasiir Fiqi wuxuu ku dooday in mucaaradku ay marba shuruud cusub keenayeen, isla markaana ay ka caga-jiideen inay si toos ah uga qeyb galaan kulamada lagu qabtay Villa Soomaaliya, inkastoo, sida uu sheegay, laga aqbalay dalabyo ay ku doonayeen in kulamada lagu qabto hoteellada ku yaalla aagga Xalane.

“Laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado dheer qaatay ka dib, waxay ku kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ay hore u qorsheeyeen fashilinta shirka.

Hadalka ugu culus ee wasiirka ayaa ahaa mid uu ku barbar dhigay mucaaradka ururka Al-Shabaab, isagoo yiri: “Sida afduubka Al-shabaab shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduub ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.”

Dowladda ayaa ku adkeysatay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho “qof iyo cod” ah, iyadoo ku tilmaantay mas’uuliyad qaran oo loo igmaday.

Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed weli si rasmi ah ugama jawaabin hadalka cusub ee wasiirka, inkastoo hore ay u sheegeen in wadahadalladu ku dhammaadeen natiijo la’aan.