Dowladda Federaalka oo ku eedeysay Golaha Mustaqbalka inay jebiyeen ajendihii wada-xaajoodka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ay ka baxeen ajendihii lagu heshiiyay, taasoo sababtay in wada-xaajoodyo ka socday Muqdisho ay hakad galaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tan iyo markii la shaaciyay gogosha wadatashiga qaran bishii Maarso 2025, ay dowladdu waday kulamo ay la yeelatay madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, si talooyin looga helo dhismaha dowladnimo casri ah iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dowladdu waxay ku celisay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood iyo is-afgarad ku dhisan dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo adkaysay inay aqoonsan tahay doorka dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, gaar ahaan marka laga hadlayo hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida nidaamka federaalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulamo hordhac ah ayaa lagu go’aamiyay in diiradda la saaro saddex qodob: dhismaha guddi ka talo bixiya arrimaha doorashada federaalka, qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo in bisha Abriil 2026 la qabto kulan labaad oo lagu sii ambaqaado geeddi-socodka doorashada federaalka.

Hase yeeshee, dowladdu waxay sheegtay in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u soo kordhiyeen qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo aan lahayn sal-dastuuri iyo tixraac sharci.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa, sida ay dowladdu sheegtay, in Golaha Mustaqbalka ay talo toos ah ku yeeshaan maamulka doorashooyinka dowlad-goboleedyada kale.

Dowladdu waxay sheegtay inay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan si loo ilaaliyo ajendihii lagu heshiiyay, balse ay nasiib darro tahay in Golaha Mustaqbalka ay soo saareen bayaan ay ku tilmaantay mid baal-marsan habraacyadii iyo nuxurkii wada-hadallada.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in albaabada wada-xaajoodku u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal ku dhisan dastuurka, iyadoo adkaysay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka isla markaana ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.