Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay si cad u soo bandhigto heshiiska ay la gashay Israa’iil, isaga oo dhinaca kale digniin u diray dowladaha Masar iyo Turkiga oo si weyn uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland.
Biixi ayaa sheegay in loo baahan yahay in heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu noqdo mid caddaalad ah oo labada dhinacba danahooda ku ilaashanayaan, isaga oo ka digay in uu noqdo mid cid gaar ahi ku faa’iidayso ama cid kale waxyeello lagu gaadhsiiyo.
“Xukuumaddu weli may soo bandhigin, ummaddana may horkeenin waxa aynu ku heshiinnay Israa’iil – ha ahaado axdi, is-afgarad ama heshiis qoran oo sharci ah – taana waa laga sugayaa. Haddii aanu ahayn heshiis la siman yahay oo midna diintiisa aan waxba lagu yeelayn, Islaamkana aan waxba lagu yeelayn, waa laga hadli doonaa,” ayuu yidhi Biixi.
Biixi, muddadii uu xilka hayay, marnaba ummadda Somaliland uma soo bandhigin faahfaahinta buuxda ee is-afgaradkii ay xukuumaddiisu la gashay dowladda Itoobiya bilowgii sannadkii 2024, iyada oo mar kasta xisbiyada mucaaradku codsan jireen in la soo bandhigo faahfaahinta heshiiska.
Dhanka kale, Biixi waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Masar iyo Turkigu ay ku midoobaan mucaaradadda aqoonsiga Somaliland, inkasta oo ay taariikh ahaan arrimo badan ku kala aragti duwan yihiin. Waxa uu sheegay in Masar ay ka mid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee heshiis la gala Israa’iil, isla markaana Madaxweynihii hore ee Masar, Anwar Al Saadaad, uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Muslim ah ee booqda Israa’iil.
Biixi waxa uu intaas ku daray in Masar aanay waligeed waxtar muuqda u samayn Soomaaliya, isla markaana ay danaynayso in Itoobiya iyo Soomaaliya ay mar walba xiisad ku jiraan si ay u ilaashato danaheeda la xidhiidha wabiga Niilka. Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Masar iyo Turkiga ee la keenayo Soomaaliya aanay xal waara keeni doonin.
“Colaadda la abuurayaa waxa sal u ah qodob keliya – waa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu sheegay in doodda ka imanaysa madaxda Soomaaliya ee ku saabsan in dad Falastiiniyiin ah la keenayo Somaliland aanay sal lahayn, isla markaana xukuumadda Somaliland ay hore u beenisay arrintaas.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in Israa’iil u timid Somaliland si loogaga duulo Yemen ama Iran, isaga oo ku tilmaamay “war suuqa la geliyey,” isla markaana aanay suurtoobayn, maadaama uu dastuurka Somaliland arrintaas si cad uga hor imanayo.
Ugu dambayn, Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray Midowga Afrika, isaga oo ugu yeedhay inuu ixtiraamo xuduudaha Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay waafaqsan yihiin axdiga Midowga Afrika ee dhigaya in la dhowro xuduudihii gumaysiga laga dhaxlay.











