Shirarkii Dowladda iyo Mucaaradka oo fashil qarka u saaran, Golaha Mustaqbalka oo kulan degdeg ah Yeeshay

0

Shirarkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa la sheegayaa inay wajahaan fashil, iyadoo Golaha Mustaqbalka uu kulan degdeg ah uga socdo gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulan albaabbada u xirnaa ayaa Golaha Mustaqbalka ku yeeshay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay xubno mucaarad ah oo u badan madaxdii hore ee dalka, iyo sidoo kale Madaxada  dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Kulankan ayaa yimid xilli dhawaan uu furmay shir ay ku baaqday Dowladda Federaalka, kaasoo kulankiisii koowaad kusoo dhammaaday natiijo la’aan. Inkastoo gogoshii wada-hadallada ay weli taallo, haddana waxaa isa soo taraya kulamada gaar-gaarka ah ee ay mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu yeelanayaan.

Wararka laga helayo dhinacyada kulamadan ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo sida loo wajihi lahaa qodobada la isku hayo ee miiska saaran, kuwaas oo ay ka mid yihiinWax-ka-beddelka Dastuurka iyo Hannaanka iyo nooca doorasho ee dalka uu aadayo.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah, iyadoo dhinacyadu isku dayayaan inay gaaraan is-afgarad ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo nidaamka doorashooyinka dalka.