Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

1

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono toban bilyan oo doolar oo dib loogu dhisayo magaalada Gaza.

Wuxuu kaga dhawaaqay daahfurka shirka ee Guddiga Nabadda Gaza ee Washington.

Xubnaha kale oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday toddoba bilyan oo doolar.

Xulafada reer galbeedka ee dimuqraadiga ah ee Washington (oo ay ku jiraan UK, Canada, Faransiiska iyo Jarmalka) ayaa diiday inay ku biiraan Guddiga.

Madaxweyne Trump ayaa shirka ka sheegay in “ay u muuqato” in Xamaas ay diyaar u tahay inay hubka dhigto, inkastoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan inaanay jirin wax calaamado ah oo taas muujinaya.