Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaqay, mana cadda sababta keentay baaqashada.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii uu shalay si rasmi ah uga furmay aqalka madaxtooyada Soomaaliya mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.
Dhinacyada ka qaybgelaya shirka ayaa maanta oo Jimce ah yeelan doona kulamo doceedyo ay kaga hadlayaan xoojinta aragti yadooda ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo waxka-beddelka dastuurka oo ah qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran.
Sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta la filayaa inuu la kulmo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana kulanka uu ka dhici doonaa halka ay degan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa meelmarinta damaceeda ku qaadan qabashada doorashooyin dadweyne xilli muddo xileedka madaxda dowladda iyo barlamaanku gabaabsi yahay, ayna golaha Mustaqbalku riixayaan in dalku doorasho aado.











