Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha oo guddoomiyey Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliy

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ka qabsoomay Villa Somalia.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee dalka ka taagan, oo ay ka mid yihiin,Xaaladda guud ee dalka iyo adkaynta midnimadda ummadda Soomaaliyeed,Doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka,Gurmadka abaaraha iyo xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira qaybo badan oo dalka ka mid ah iyo La dagaallanka ururka Al-Shabaab iyo hanjabaadaha amni ee ka jira gudaha dalka.

Shirka ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo looga gol leeyahay in la helo xalal waara oo lagu xalliyo caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirka uu fursad u noqday in dhinacyada kala duwan ee siyaasadda ay isla meel dhigeen qorshayaal lagu xaqiijinayo wadajirka, nabadda, iyo horumarka dalka.