Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si mideysan uga hortagto isku day kasta oo lagu doonayo in si xoog ama qasab ah wax looga beddelo qaab-dhismeedka Juqraafi ee dhulka Falastiin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, ayaa hadalkaan ka jeediyay fadhi ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Danjiraha ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israel u aqoonsatay Somaliland iyo sidoo kale qorsheyaasha lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiin loogu wareejiyo Soomaaliya.
Danjire Abuukar Baalle wuxuu caddeeyay in tallaabooyinka noocaas ahi ay si toos ah u jebinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay khatar gelinayaan in Geeska Afrika lagu dhex jiido qalalaasaha ka aloosan Bariga Dhexe.
Abukar Daahir Cismaan ayaa ka digay in isku day kasta oo lagu doonayo in xaqiiqooyin siyaasadeed lagu qasbo qaaradda Afrika ay wiiqi doonaan mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, isla markaana ay abuuri doonaan tusaale halis ah oo horseedi kara xasillooni darro sii faafta.
Sidoo kale, danjiraha ayaa si cad u diiday soo jeedin kasta oo ku saabsan barakicin qasab ah oo lagu sameeyo Falastiiniyiinta, gudaha ama dibadda dhulkooda, isagoo ku tilmaamay falalkaas kuwo si weyn uga hor imanaya sharciga caalamiga ah, isla markaana u dhigmi kara sifeyn qowmiyadeed.
Wuxuu xusay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Gaza, xilli xabbad-joojin jilicsan ay socoto, ay weli tahay mid aad u culus, taasoo muujineysa baahida degdegga ah ee loo qabo taageero caalami ah oo joogto ah iyo in si buuxda loo ixtiraamo qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah.











