Sheekh Shariif oo nasiib darro ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u cambaareeyay khilaafka iyo buuqa hareeyay fadhiyada golaha.

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Baarlamaanka “mas’uuliyad-darro”, isaga oo xusay in golaha uu yahay muraayadda qaranka, lagana doonayo inuu ilaaliyo hannaanka dowlad-dhiska iyo sharciyadda dalka.

“Waa masuuliyad-darro waxa ka socda golahii BF Soomaaliya oo ah muraayaddii dalka, mana ahan suuragal in horteenna lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhiska dalkeenna oo meel fog laga keenay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu ka fogaado ku tumashada sharciga iyo ku takri-falka awoodda, isla markaana uu dhowro heshiisyada siyaasadeed iyo dastuurka dalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in xisaabtanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaantu ay yihiin tiirarka dowladnimo, ayna lagama maarmaan tahay in laga ilaaliyo faragelin siyaasadeed ama dano gaar ah.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu baaq u diray dhammaan dhinacyada ay khusayso in si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada, sharciyadda iyo hay’adaha dowliga ah, isla markaana xal waara laga gaaro khilaafka Baarlamaanka, si looga fogaado dib-u-dhac ku yimaada geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.