Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii labada maalin ee ka dhacay Baydhabo isaga oo ku tilmaamay inay ahaayeen kooxo burcad ah.
”Waxaad ogtihiin saacadihii la soo dhaafay in magaalada Baydhabo ay kooxo burcad ah oo mooryaan ah oo isbaaraleey ah ay ka abuureen fadqalalo, waxaad ogtihiin markii u horeeysay inay weerareen suuqa xoolaha, halkaas oo dad ganacsata ah oo suuqaasi lagu kala iibsanayo xoolaha inay weerar ku qaadeen oo shacab ku dhibaateeyeen’’
Ugu dambayn ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed inay soo afjareen dagaalkii ka socday Baydhabo ‘’Saacadaan aan idinla hadlayo, waxaan si dhamaystiran idiin caddeynayaa in si dhamaystiran loo soo afajaray kooxahaasi burcdka ah, ammaanka goobihii ay fadqalalaha ka wadeena, waxaa gacanta ku haya ciidamada amniga oo dhamaystiran Koonfur Galbeed oo hal qaybna aysan ka maqnayn ayaa gacanta ku haya’’











