Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa ugu dambeyn fashil ku soo dhammaaday, kadib buuq iyo khalalaase ka socday xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lala galo xildhibaanada diidan ajandaha fadhiga.
“Anigoo ku hadlaya magaca gudonka oo wanaaga aad u jecel waxaan odoladay soo jeeinta xildhibaanada, waxaan dib u dhignay kulanka maanta,” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Kulanka ayaa dib loo dhigay kadib markii xildhibaanada qaar ay ka codsadeen guddoonka in arrimaha iyo buuqa ka taagan Golaha lagu xaliyo banaanka xarunta si nabad ah.
Fadhigii maanta lama soo saarin wax go’aan ah oo ku saabsan ajandaha dastuurka, waxaana la hakiyay doodihii ku saabsanaa wax ka beddelka qodobo ka mid ah Dastuurka Qabyo-qoraalka ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdan taagan loo saaray guddi iskujir ah oo qiimeynaya fadhiga iyo buuqa ka dhashay, isagoo fasaxay Golaha kadib xiisaddii maalmaha soo socotay.
Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeystay in aan muddada la sii dheeraynin fadhiyada si ay uga qayb qaataan arrimaha dastuuriga ah, iyagoo ku dooday in si sharci ah oo dastuuriyan sax ah loo xaliyo khilaafaadka ka jira.
Fadhigii maanta ayaa markale fashil ku soo dhamaaday, iyadoo aan laga hadlin wax ajando ah oo horey loogu talagalay, taasoo muujineysa xasillooni-darro siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa gudaha Baarlamaanka.











