Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Joojiyay Fadhiyadii Baarlamaanka Kadib Qalalaase Ka Dhacay Kulan Wadajir ah

1

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib qalalaase ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal.

Qalalaasaha ayaa ka dhacay kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka oo qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026, kaas oo hakad ku yimid kadib muran iyo is-qabqabsi hareeyay ajendaha fadhiga.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigaas. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro nidaamka, anshaxa iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin ilaalinta kala dambeynta iyo shaqada sharci-dejinta, isagoo hoosta ka xarriiqay in Baarlamaanka looga baahan yahay mas’uuliyad, is-ixtiraam iyo u hoggaansanaan buuxda oo ku saleysan dastuurka iyo xeerarka u degsan.