Qatar, Urdun iyo Masar oo cambaareeyay weeraro ay Israa’iil ka gaysatay marinka Qasa

1

Dowladaha Qatar, Urdun iyo Masar ayaa si adag u cambaareeyay weerarro Israa’iil ay ka geysatay Marinka Qasa, kuwaas oo ay ku tilmaameen jebin cad oo ka dhan ah heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaadhay bishii Oktoobar, iyagoo ka digay in falalkaasi ay halis gelinayaan dadaallada lagu doonayo xasilloonida.

Qoraallo kala duwan oo ay soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee saddexda dal ayaa lagu sheegay in Israa’iil Sabtidii fulisay duqeymo cirka ah oo ka mid ah kuwii ugu xooganaa tan iyo xabbad-joojinta, kuwaas oo lagu beegsaday guryo, teendhooyin iyo saldhig boolis oo ku yaalla Qasa. Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in weerarradaasi ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, oo ay ku jiraan saddex gabdhood oo hal qoys ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in jebinta xabbad-joojintu ay keentay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana ay khatar ku tahay dariiqii siyaasadeed ee lagu dajinayay xiisadda.

Dooxa waxay Israa’iil ugu baaqday inay si buuxda u ixtiraamto heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn si loo hirgeliyo wejiga labaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2803. Sidoo kale, Qatar waxay adkeysay muhiimadda abuurista xaalado ku habboon soo kabashada hore iyo dib-u-dhiska Qasa.

Urdun ayaa iyaduna ku tilmaantay weerarrada “xad-gudub qaawan” oo ka dhan ah xabbad-joojinta. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Urdun, Fouad Majali, ayaa ku baaqay in si adag loo raaco heshiiska xabbad-joojinta, gaar ahaan fududeynta gaadhsiinta gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah oo ku filan.

Wuxuu sidoo kale ku celiyay baaqa Urdun ee ah in la helo aragti siyaasadeed cad oo horseedda dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, kuna saleysan xuduudihii 4-ta Juun 1967, Bariga Qudusna ay noqoto caasimad, sida ku cad xalka laba-dowladood iyo Hindisaha Nabadda Carabta.

Masar ayaa dhankeeda cambaareysay jebinta xabbad-joojinta soo noqnoqotay ee Israa’iil, taas oo ay sheegtay inay sababtay dhimashada ugu yaraan 25 Falastiiniyiin ah. Qaahira ayaa ka digtay in falalkan ay xaaladda “qaraxin karaan,” isla markaana ay khatar ku yihiin dadaallada lagu doonayo xasillooni amni iyo mid bani’aadannimo.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay is-xakameyn buuxda, ilaalinta xabbad-joojinta, iyo ka fogaanshaha tallaabo kasta oo wiiqi karta geeddi-socodka siyaasadeed, iyadoo adkeysay in jebinta joogtada ah ay si toos ah u halis gelinayso rajada xasillooni waarta oo Qasa ka dhalata.

Warbixintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan joojinta colaadda iyo dardargelinta gargaar bani’aadannimo, iyadoo dalalka Carabta ay ku adkeysanayaan ilaalinta xabbad-joojinta iyo bilaabista dib-u-dhiska Marinka Qasa.