Masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa heshiis ku kacaya €102 Milyan la saxiixday madax sare oo ka socotay Midowga Yurub (EU), gaar ahaan Xafiiska EU ee Soomaaliya iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee EU.
Heshiiskan dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee ku kacaya €102 Milyan ayaa ah mid qorshihiisu yahay taageerada kabka miisaaniyadda ee ay EU si joogto ah ugu garab istaagto dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee heshiiskan la gaaray masuuliyiinta ka socotay Midowga Yurub.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid looga faa’ideysanayo dhanka horumarinta, gaar ahaan Waxbarashada iyo horumarinta deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab.
“Lacagtan waxaa loogu talo galay afar qeybood oo ay ka mid tahay in kor loogu qaado tayada waxbarashada oo ah in loo helo arday badan, iyo 30 Milyan oo ka mid ah lacagta loogu talo galay dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada qeybta ka iyo deegaanadii laga xureeyay cadawga Khawaarijta ah in lagu hormariyo” ayuu yuri Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cabdiraxmaan Beene Beene.
Wasiir Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah oo ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kabka miisaaniyadda oo uu xusay in door muhiim ah ka qaato kobaca iyo mashaariicda horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii masuuliyiinta labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageeradan loo adeegsado si hufan, loona waafajiyo qorshaha horumarinta Qaranka, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.











