Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii bani’aadannimo ee ay Soomaaliya siin jirtay, gaar ahaan kan loo soo marin jiray Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda dhacdooyinkii la xiriiray lunsashada raashinka gargaarka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gargaarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (US Foreign Assistance) ayaa lagu sheegay in Mareykanku aqbalay tallaabada mas’uuliyadeed ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in dib loo fasaxo hawlihii WFP.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Maamulka Madaxweyne Trump uu si adag uga soo horjeedo musuqmaasuqa, xatooyada, iyo leexsiga gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanku bixiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marna la aqbali doonin in kaalmo la xado ama si khaldan loo adeegsado.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dhawaan Mareykanku ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya inay si sharci-darro ah u galeen bakhaar ay lahayd hay’adda WFP, isla markaana ay qaateen ku dhowaad 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah.











