Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay qaateen isbahaysiga weyn ee mucaaradka ah, kaas oo aqbalay ka qeybgalka shir wadatashi ah oo ay martiqaad ugu fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo wanaagsan oo dhanka xasilloonida dalka ah.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council), oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal goboleedyo iyo masuuliyiin hore, ayaa xaqiijiyay in ay ka qeybgeli doonaan shirka wadatashiga ee lagu wado in 1-da Febraayo 2026 lagu qabto magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa martiqaadkiisa si toos ah uga yimid Xukuumadda Soomaaliya.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (Twitter hore) ku sheegtay in xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay aqbaleen casuumaadda kadib kulan ay yeesheen, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “tallaabo togan oo wax dhisaysa”.
Waxay intaas ku dartay in waxa hadda loo baahan yahay ay tahay jawi ku habboon oo horseeda wadahadallo miro-dhal ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa horey khilaaf adag ula lahaa dowladda federaalka, gaar ahaan qorshaha ku aaddan in dalka loo guuro nidaamka doorasho ee “hal qof, hal cod”.
Inkastoo ay aqbaleen ka qeybgalka shirka, haddana goluhu wuxuu shuruud ka dhigay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah oo kalsooni ku dhisan.











