Raysal wasaare Xamse “Lama aqbalaayo in dhul dad leeyihiin in Cagafyo loo keensado oo laga qaato”

2

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay cabashada sii kordheysa marba marka ka dambeysa ee kasoo yeereysa dadka ka cabanaya in dhulkooda ay  qaadanayaan shaqsiyaad lagu sheegay in ay yihiin ganacasto iyo dad kale kuwaas oo si qasab ah u barakcinaya.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in sharci daro ay tahay in Cagaf la dul geeyo dad deegaan ah, iyadoo ujeedka laga leeyahayna uu yahay sidii looga boobi lahaa dhulkaas.

“Lama aqbalaayo in dad dhul ay leeyihiin inta dad ganacsato ah iyo ciddii ay rabto ha ahaatee in Cagafyo loo keensado oo laga qaato, buuq farabadan ayaa jira oo dadku ku leeyihiin Dhul baan lahaa, waa la iga qaaday oo waa la iga jabiyay, waxaa la rabaa in dadkuna ilaahay ka cabsadaan oo ay iska ilaaliyaan dhulka aysan lahayn” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa faray Dowladda Hoose ee Xamar iyo Hay’adaha kale ee shaqadoodu tahay arrintaan in si deg deg ah wax uga qabtaan cabashada dadka ku nool Muqdisho oo noqotay mudooyinkii dambe mid sii kordhaysa.

“Waa dulmi arrintaan haddii ay jirto, waxaan faraynaa hay’adaha ku shaqada leh oo koow ka tahay Dowladda Hoose ee Xamar in dadka cabashadoodu la fiiriyo oo loo ilaaliyo dhulkooda iyo hantidooda” ayuu yiri Raysal Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka lagu eedeynayo in rag ganacsato ah ka iibsatay dhulalka laga barakiciyay qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho.