Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay Akademiyadda Booliska ee Qatar.
Kulankaas, Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha guusha ay ka gaareen waxbarashadooda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo heerka sare ee xirfadeed ee ay gaareen. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in saraakiil si heer caalami ah u tababaran ay hoggaan u noqdaan horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku dhiirrigeliyay saraakiisha in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heleen Akademiyadda ay u adeegsadaan difaaca qaranka, horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga iyo kalsoonida bulshada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso tababarka, tayada iyo iskaashiga caalamiga ah ee hay’adaha amniga dalka.












