Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hannaanka cusub ee diiwaangelinta gaadiidka ee lagu bilaabay magaalada, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga guud.
Guddoomiye Muungaab ayaa caddeeyay in ay lama huraan tahay in la diiwaangeliyo gaari kasta oo ka shaqeeya Muqdisho, si loo helo xog dhammaystiran oo ku saabsan gaariga, milkiilaha, qofka damiin ka ah, iyo shaqaalaha ka howlgala gaariga, sida darawalka iyo kaaliyihiisa (kirishboyga).
Wuxuu xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta.
Duqa Magaalada ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in lacago dheeraad ah laga qaadi doono wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, isagoo adkeeyay in aan la qaadi doonin wax lacag ah oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horey u jirtay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa cadeeyay in gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta isla markaana aan u hoggaansamin nidaamka cusub, lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.
Hadalkan ayuu Guddoomiyaha ka jeediyay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Nabad-Sugidda Gobolka Banaadir, taasoo muujinaysa muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambeynta gaadiidka magaalada.











