MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu tago Sacuudiga iyo Villa Somalia oo hoos u dhigtay xiriirka Imaaraadka

11

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa khadka telefoonka ku yeeshay wadahadal rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladda guud ee gobolka.

Intii uu socday wadahadalka, Dowladda Sacuudi Careebiya waxay si cad u adkaysay muhiimadda ay u leedahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale muujisay garab istaagga Riyadh ee arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tago Boqortooyada Sacuudi Careebiya, booqashadaas oo la rumeysan yahay inay diiradda saari doonto iskaashiga siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo xoojinta doorka Sacuudiga ee taageerada Soomaaliya.

hanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay hoos u dhigayso xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta, kaddib khilaafaad iyo isfahan la’aan ka dhashay arrimo dhowr ah oo la xiriira siyaasadda iyo amniga, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta tallaabooyinka la qaaday.

Xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Careebiya ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dib-u-habaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, xilli ay dalka wajahayaan loollan diblomaasiyadeed iyo faragelin shisheeye oo isa soo taraysa.