Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleedkeeda, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay in ay aqoonsatay gobolka Somaliland. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in garab istaaga caalamiga ah uu muujinayo sida Soomaaliya loogu taageeray ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimada dalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee muujiyey taageero buuxda oo ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii inta badan dalalka iyo ururada caalamiga ah ay si cad uga hor yimaadeen go’aanka uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sanadkii 1991, balse weli lama aqoonsan caalami ahaan. Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamtay xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo qaranimada dalka, taasoo sidoo kale dhalisay caro gudaha ah, iyadoo bannaanbaxyo ka dhacay magaalooyin badan oo lagu diidan yahay go’aanka. Soomaaliya ayaa ku adkaysay in ay si buuxda uga soo horjeedo wax kasta oo halis gelinaya midnimada dhuleedkeeda, isla markaana Somaliland ay weli ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

14

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in dalal kale oo badan ay dhowaan ku dhawaaqi doonaan ictiraafka Somaliland, kaddib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay inay tahay dal madax-bannaan.

 

Hadal uu jeediyay, Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu ku koobnayn Israa’iil oo keliya, balse ay jiraan dowlado kale oo ku jira waddada aqoonsiga. Wuxuu tilmaamay in tallaabada Israa’iil ay sii kicisay xiisadda gobolka, isla markaana ay dhalisay caro xooggan oo ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka in dalal kale oo badan ay nagu soo wajahan yihiin, isla markaana ay dhowaan ina ictiraafi doonaan, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Cirro, isagoo intaa ku daray in “cid joojin karta ictiraafka Somaliland aysan jirin.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowlado uu ku tilmaamay kuwo cadaw ku ah Somaliland ay hadda si cad u soo baxeen, inkastoo uu xusay in Somaliland aanay cidna cadaw u ahayn. Wuxuu ugu baaqay shacabka in ay ogaadaan dowladaha ka soo horjeeda Somaliland.

Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin, haddana Masar, Jabuuti iyo Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha si adag uga hor yimid aqoonsiga Somaliland, iyagoo cambaareeyay tallaabada Israa’iil.

Dhanka kale, Somaliland ayaa wadatashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti, arrintaas oo muujinaysa in xiriirka labada dhinac uu xilligan xasaasi yahay. Jabuuti ayaa si cad uga soo horjeesatay xiriirka Israa’iil iyo Somaliland doodii u dambaysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.