In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku kala nool guud ahaan dalka Soomaaliya oo u dhiganta ku dhowaad rubuc ka mid ah dadweynaha dalka ayaa waxa si weyn u saameeyay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in “hay’adaha wada-shaqaynta la leh ay tilmaamayaan in ugu yaraan 120,000 oo qof ay barakaceen intii u dhexeysay Sebtembar ilaa Diseembar, xilli qiimaha biyaha uu sare u kacayo, cuntadu qaaliyowday, xooluhu dhimanayaan, isla markaana nolol-maalmeedkii dadka uu adkaaday,” sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay OCHA.
Intaa waxaa dheer, in ka badan 75,000 oo arday oo ku kala nool dalka oo dhan ayaa xaaladda noocan ah ay ku qabsabtay in ay ka baxaan waxbarashada.
xilli uu gabagabo yahay sannadka 2025-ka ayaa qorshaha gargaar bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee loo bahnaa waxa uu dhammaa $1.4 bilyan waxa se la helay keliya ku dhawaad $370 milyan, taas oo u dhiganta rubuc oo ka mid ah lacagta loo baahan yaha











