Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulamo siyaasadeed waxaa ay Muqdisho kula qaateen madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.
Kulamada ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed uu xiligan marayo dalka iyo jahwareerka ka taagan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada diirada lagu saaray xalinta khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Farmaajo ayaa horey u dhisay Laftagareen iyo Qoorqoor oo xiligan maamula Galmudug iyo Koofur Galbeed.
Ma jiraan xog intaasi ka badan oo laga helay kulamadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.











