Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay inay adkeeyaan iskaashi laba-geesood ah

2

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ee u fadhiya Soomaaliya, Axmed bin Maxamed Al-Muwalled.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada masuul ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay adkeynta iskaashiga ku qotoma amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid istiraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo horumarka dalka.