Taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dambeysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhigo.
Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada degdegga ah ee RSF, uu baabi’in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.
Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka, Massad Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.











