Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga warbixisay xubnaha guddiga iyo khibradooda, waxayna ka codsatay in ay ansixiyaan.
Intaa kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare oo cod u qaaday xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, ayaa 28 Sanatar ku oggolaadeen, hal Mudane ayaa ka aamusay, mana jirin cid diidday. Sidaas ayaana xubnaha guddigu ku ansaxeen.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadija Makhzumi ayaa ansixinta kadibĀ sheegtay inay soo dhoweeneyso go’aanka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan uga mahad celinayaa Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ansixinta xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay horey usoo wada ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka. ” ayay ku tiri Marwo Khadiija.
Wasiirka ayaa sheegtay in Tallaabadan ay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ku ansixiyeen guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay dhameystir u tahay dadaal dheer oo aan ugu soo jirnay hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taasi oo geedigeeda uusoo socday sanado badan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay isku duubnaan in xaalada adag ee dalka lagu wajaho, Guddiga xuquuqul insaankana ee maanta la dhaariyayna ay si wanaagsan ummadda ugu shaqeeyaan.











