Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 13 dal ee u codeeyay qaraarkan, iyadoo aan la diidin, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen.
Qaraarka ayaa dhigaya in ISF ay la shaqeyso Israa’iil, Masar iyo ciidan boolis oo Falastiini ah oo si gaar ah loo tababaray, si loo sugo xuduudaha Gaza, loona hubiyo in hubka laga dhigo kooxaha aan dawliga ahayn, oo ay ku jirto Xamaas.
Sidoo kale, waxaa la dhisayo Board of Peace (BoP) oo maamuli doonta maamulka ku-meelgaarka ah, dib u dhiska Gaza iyo gargaarka bani’aadamnimo, waxaana maalgelinta qaadanaya sanduuq uu kafaalo qaadayo Bangiga Adduunka.
Soomaaliya waxay u codeysay qaraarkan iyadoo ay dalal kale oo Muslim iyo Carab ah oo ay ku jiraan Masar, Sacuudiga iyo Turkiga ay si muuqata u taageereen in la ansixiyo, si loo dhiirrigeliyo xabad-joojin joogto ah iyo hannaan siyaasadeed oo horseeda dawlad Falastiin ah.
Ansixinta qaraarka ayaa timid xilli QM ay sheegtay in loo baahan yahay in qorshuhu u gudbo tallaabooyin dhab ah oo dhulka ka hirgala.











