Xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Somaliland ay Ku Guulaysatay in ay Gacanta Ku Dhigto Maamulka Hawadeeda

2
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay  Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyada (IATA)  oo sheegay in marka aad ka dagayso garoomada Hargeysa iyo Berbera lagaaga baahanyahay fiisaha ay Somaliland bixiso, inkasta oo uu sidoo kale xusay in guud ahaan Soomaaliya layskaga baahanyahay fiisaha danabaysan ee dowlada federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga KULMIYE, ayuu ku sheegay in go’aanka IATA uu “…muujinayo in Somaliland ay u madaxbannaan tahay nidaamka socdaalka iyo dalku galkeeda, si buuxdana u maamulayso xuduuddeeda dhulka, badda iyo hawada.”

Xisbiga ayaa sidoo kale ku tilmaamay arrintan “guul taariikhi ah,” isaga oo sheegay in kaalin wayn ay ka qaateen shacabka iyo qurbajoogta. War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in dedaallada bulshada ay qayb ka ahaayeen “ka hortagga qorshe uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku doonaysay in ay ugu xadgudubto madaxbannaanida Somaliland.”

KULMIYE ayaa xukuumadda ku bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday, isaga oo xusay in qalab maamulka hawada Somaliland loo keenay oo la hawlgashay 10-kii November uu ahaa mid xisbigu hore u diyaariyey, lana hawl-galiyey muddadii uu xilka hayey,” kaas oo ay sheegeen inuu door ku lahaa dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland ka samaysay hawada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xukuumadda iyo shacabka ku booriyay in ay sii wadaan dadaallada lagu difaacayo madax-bannaanida Somaliland. Waxa kale oo lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay “in la sameeyo nidaam E-Visa oo Somaliland u gaar ah.”

Ugu dambayn, KULMIYE ayaa sheegay in xisbigu “mar walba u taagan yahay difaacidda madax-bannaanida Somaliland,” isla markaana diyaar u yahay inuu la shaqeeyo xukuumadda.

Somaliland ayaa aad uga soo horjeedsatay fiisaha fanabaysan ee Soomaaliya, oo dowlada federaalku ay ku tilmaantay nidaam sugaya amniga dalka. Somaliland ayaa sheegtay in diyaarad aan amar ka haysan anay hawadeeda isticmaali karin, waxayna sheegtay in ay guul ka gaadhay tallaabooyin ay qaaday inkasta oo aan si madaxbannaan loo xajiiqin karin sheegashadeeda.